Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta kulan wadatashi iyo xog-is-weydaarsi ah kula qaatay Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka..
Gudoomiyaha Guddiga Mudane Abdikarim Ahmed Hassan oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Guddiga iyo xubnaha Guddiga ayaa la wadaagay ururrada siyaasadda mabaadii’da ay ku shaqaynayaan iyo qiyamka oo ah cadaalad, dhex-dhexaadnimo, dhawrista xuquuqda iyo ilaalinta midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in Guddigu soo saari doono jadwal waqtiyaysan oo tilmaamaaya hannaanka diiwaangelinta xisbiyada iyo howlaha hortabinta u leh Guddiga.
Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay Ururrada Siyaasada in ay ilaaliyaan isku dheelitirka bulshada iyo ilaalinta xuquuqda Haweenka.
Ururrada siyaasadda ayaa aad u soo dhaweeyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha, iyaga oo aad ugu dheeraaday in Guddigu dhowro dhexdhexaadnimada iyo cadaalad u samaynta tartanka ururrada. Waxayna balan qaadeen in ay kala shaqeyn doonaan Guddiga sidii dalka ay uga hanaqaadi lahaayeen ururro Siyaasadeed oo ku yimaada rabitaan bulshada.



