Muqdisho, Soomaaliya – Abriil 29, 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha dalka (GMDQS) wuxuu ku wargelinayaa dhammaan daneeyayaasha doorashada in muddo kordhin loo sameeyay diiwaangelinta ururada siyaasadda. Muddo kordhintan ayaa loo sameeyay si loo fududeeyo ka-qaybgalka dhammaan uruurada siyaasadeed ee xaqa u leh hawlaha doorashooyinka soo socda, iyadoo la hubinayo ka-qaybgalka iyo caddaaladda.
Guddiga oo aqoonsanaya muhiimada ay leedahay ka qaybgalka siyaasadeed ee balaaran, GMDQS waxa uu go’aansaday in uu siiyo fursadii ugu dambaysay ururada awoodi waayay in ay dhamaystiraan diiwaangelintooda inta lagu jiro wakhtiga bilowga ah. Muddo kordhintan waxa ay ujeedadeedu tahay in wax laga qabto caqabado kasta oo dhinaca fasiraadda xeerka ama duruufaha lama filaanka ah ee caqabad ku noqday diiwaangelinta ururada siyaasadda qaarkood. GMDQS waxaa ka go’an in uu ilaaliyo mabaadi’da hufnaanta iyo helitaanka dhammaan hawlaha doorashada. Haddaba, waxaanu u soo jeedinaynaa dhammaan ururada siyaasadda ee aan weli is-diiwaangelin inay ka faa’iidaystaan fursadan oo ay ku dhammaystiraan nidaamka lagama maarmaanka u ah muddada loo cayimay.
Faahfaahinta Muhiimka ah ee Kordhinta:
Muddada: 14 maalmood
kama dambaysta: Arbacada, May 14, 2025
Macluumaadka Muhiimka ah ee Ururada Siyaasadda:
Si loo dhamaystiro nidaamka diiwaangelinta, ururada siyaasadda waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan dhammaan dukumeentiyada lagama maarmaanka ah oo ay u hoggaansamaan habraacyada diiwaangelinta ee la dejiyay sida uu horay u qeexay Xeerka Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda. Tilmaamahan waxaa laga heli karaa mareegaha rasmiga ah ee GMDQS ama laga helo xafiisyada guddiga. GMDQS wuxuu ku adkeynayaa in kordhintan ay tahay fursadii ugu dambaysay. Ma jiro muddo kordhin kale oo la samayn doono wixii ka dambeeya wakhtiga la cayimay.
Ururada siyaasadda waxaa si adag lagula talinayaa in ay si degdeg ah wax uga qabtaan si ay uga fogaadaan wax kasta oo suurtagal ah in ay ka haraan ka qaybgalka dhacdooyinka doorashada Golaha Deegaanka. Guddigu waxa uu ku celinayaa sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho xor ah, xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso, oo ay ku jiraan ururada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo guud ahaan shacabka, inay si firfircoon uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada oo ay gacan ka geystaan xoojinta hay’adaha dimuqraadiga ah ee Soomaaliya.
GMDQS waxa uu u heellan yahay in uu taageero iyo hagis siiyo dhammaan ururada siyaasadda inta lagu jiro habka diiwaangelinta. Wixii su’aalo ah ama caawimaad ah, fadlan la xiriir xafiisyada GMDQS saacadaha shaqada ee caadiga ah ama booqo boggayaga rasmiga ah si aad u hesho macluumaad dheeraad ah. Guddigu waxa uu bogaadinayaa wada shaqaynta dhammaan dhinacyada ay khusayso waxaanu rajaynaya guul iyo geeddi-socod doorasho oo loo dhan yahay.



