Muqdisho, Juun 22, 2025 — Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay liiska rasmiga ah ee ururrada siyaasadeed ee dalka si buuxda uga diiwaangashan, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta geeddi-socodka dimoqraadiyadda.
Tirada guud ee ururrada diiwaangashan ayaa ah 43 urur siyaasadeed, kuwaas oo buuxiyay shuruudaha ku xusan xeerarka dalka u yaalla, gaar ahaan xeerka xisbiyada siyaasadeed iyo habraaca diiwaangelinta. Liiska ayaa waxaa lagala socon karaa bogga rasmiga ah ee Guddiga waxaana sidoo kale lagu daabacay baraha bulshada GMDQS ee rasmiga ah.




