Sat – Thurs: 8:00am – 4:00pm

Call us: 558

info@niebc.gov.so

Language Flag Loading…

Yaa xaq u leh in la diiwaan-geliyo

Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha waxay ka mid tahay hawlaha ugu muhiimsan geeddi socodka doorashooyinka waana shardi ka mid ah shuruudaha codeynta. Waxaa muhiim ah inaad ogaato inaadan codeyn karin hadii aadan is diiwaan-gelin.

Muwaadin Soomaali ah

Xiskiisu dhanyahay

Gaaray 18 sano

Aan maxbuus xukuman ahayn

Waa maxay diiwaan-gelinta cod-bixiyaha?

Dhammaan waddamada Aduunka ee ay ka dhacaan doorashooyinka cod-bixiyaha waa in la diiwaan-geliyaa si uu u codeeyo ugana qayb qaato doorashada. Diiwaan-gelinta cod-bixiayaha waa nidaam lagu aruuriyo xogta cod-bixiyaha sida magaca, taariikhda dhalashada, jinsiga iyo deegaanka.

Yaa u xil-saaran diiwaan-gelinta cod bixiyaha?

Sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa diiwaan-gelinaya qof kasta oo buuxiya shuruudaha diiwaan-gelinta cod-bixiyaha. Waxa uu sidoo kale Guddigu mas’uul ka yahay keydinta iyo xafidaadda xogta diiwaan-gelinta ee Muwaadiniinta.

Muhiimadda diiwaan-gelinta cod-bixiyaha?

Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha waxay ka mid tahay hawlaha ugu muhiimsan geeddi socodka doorashooyinka waana shardi ka mid ah shuruudaha codeynta. Waxaa muhiim ah inaad ogaato inaadan codeyn karin hadii aadan is diiwaan-gelin.

divi-team-member-8
t

Muwaadin taladaada waa muhiim

Halkaan inoogu soo gudbi fariimaha 

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha waa hay’ad dastuuri ah dhexdhexaad ah u xilsaaran hirgalinta doorashooyinka Dalka.

Our Address

NIEBC HQ, Waberi, Mogadishu BN, Somalia

Phone Number

(252) 614 383843/45
Toll-free: 558

Email Address

info@niebc.gov.so
communications@niebc.gov.so

Office Time

Sat – Thu: 8:00 – 16:00
Friday: Closed