Dhuusamareeb, Galgaduud – Waxaa si habsami leh uga socota Xaafadda Waxarcadde ee magaalada Dhuusamareeb diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taasoo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee doorashooyinka soo socda. Hawshan diiwaangelinta ah ayaa muwaadiniinta u suurtagelinaysa inay gutaan waajibkooda iyo xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta.
Goobaha diiwaangelinta ee laga hirgeliyay Xaafadda Waxarcadde ayaa shaqaynaya tan iyo subaxdii hore, waxaana la arkayay dadweyne si firfircooni leh uga qayb qaadanaya diiwaangelintooda. Mas’uuliyiinta goobta ku sugan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida ay dadku uga soo qayb galayaan, taasoo muujinaysa fahamka ay u leeyihiin muhiimadda ay leedahay ka qayb qaadashada geedi-socodka dimuqraadiyadda.
Muwaadin, waxaan kugu boorineynaa inaad is-diiwaangeliso oo aad iska diiwaangeliso goobta kugu dhow ee ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Tani waa tallaabada ugu horreysa ee aad ku heli karto xuquuqdaada dastuuriga ah ee codbixinta marka la gaaro doorashada. Ha moogaanin fursaddan qaaliga ah ee aad codkaaga ku dhiiban karto, kuna dooran karto hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.
Diiwaangelintu waa bilawga dhabta ah ee hirgelinta codbixinta shacabka, waxaana la rajaynayaa in dhammaan dadweynaha xaqa u leh ay ka qayb qaataan si loo xaqiijiyo doorashooyin xor ah oo xalaal ah.



