Sat – Thurs: 8:00am – 4:00pm

Call us: 558

info@niebc.gov.so

Language Flag Loading…
Fariimaha GMDQS: Degmada Wadajir waxay qaatay tillaabo hroumarleh oo ku aaddan ka-qaybgalka diiwaan gelinta codbixiyaha

May 5, 2025

Muqdisho, May 3, 2025 – Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya (GMDQS) aad ayuu ula dhacay in uu ka warbixiyo sida wanaagsan ee ay degmada Wadajir uga bilaabatay diiwaan gelinta codbixiyayaasha. Muuqaallada saaka ee safaf dhaadheer oo ka kooban muwaadiniin kala duwan oo  aad u xiisaynaya qaadashada Shahaadada diiwaan-gelinta, ayaa waxay nagu beertay han weyn iyo yididiilo aan ku kordhino agabka diiwaangalinta iyo howlwadeenna dheeri ah si loo haqab tiro baahida Bulshada usoo baxday ka qeeybgalka  geedi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

GMDQS wuxuu u arkaa soo bixitaanka cajiibka ah in ay muujinayso sida hagar la’aanta ah ee dadka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada dowladnimada qarankooda. Dadaalka ay muujiyeen dadka degan Wadajir waxay hoosta ka xariiqeysaa kalsoonida sii kordheysa ee lagu qabo nidaamka doorasho, waxayna xoojineysaa go’aankeenna ah inaan gaarsiinno doorasho xor, xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo.

Fariinta Muhiimka ah ee GMDQS: Codkaaga, Codkaaga, Mustaqbalkaaga.

Maadaama Guddigu yahay  hay’adda rasmiga ah ee mas’uulka ka ah ilaalinta hannaanka doorashada Soomaaliya, GMDQS waxa uu xoogga saarayaa muhiimadda diiwaangelinta codbixiyayaasha. Tani kaliya maaha layli maamul; waa ficilka aasaasiga ah ee awood u siinaya muwaadiniinta:

  • Hogaanka dalka si toos ah u saameeya: GMDQS waxa uu fududaynayaa doorashada wakiillo ka soo bixi doona baahida iyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed.
  • Wax ku biirinta Siyaasadda Qaranka: Iyada oo loo marayo sanduuqa codbixinta, muwaadiniintu waxay helayaan fursad ay ku qaabeeyaan xeerarka iyo siyaasadaha noloshooda.
  • Xoojinta Hay’adaha Dimuqraadiga: Ka-qaybgalka firfircoon ee geeddi-socodka doorashadu waa aasaaska dimuqraadiyad caafimaad qabta oo ka hirgasho dalka.
  • Hubi La Xisaabtanka Dawladda: Iyaga oo isticmaalaya xaqa ay u leeyihiin inay wax doortaan, muwaadiniintu waxay kula xisaabtamaan saraakiisha ay doorteen falkooda iyo go’aanadooda.

GMDQS waxa uu mar kale ku celinayaa sida ay uga go’an tahay in ay hubiyo hannaan diwaangelin ah oo aan kala go ‘lahayn oo hufan. Waxaan si joogto uga shaqeyneynaa:

  • Hirgelinta xarumo diwaangelineed oo la heli karo: Hubinta in muwaadin kasta oo xaqa u leh uu helo fursad uu si ku habboon isu diiwaangeliyo.
  • Bixinta macluumaad cad oo sax ah: Wax ka qabashada wixii welwel ah ama su’aalo ah oo ay muwaadiniintu ka qabaan habka diiwaangelinta.
  • Ilaalinta hufnaanta Diiwaanka Cod-bixiyaha: Hubinta saxnaanta iyo ka hortagga wax kasta oo wax isdabamarin ah.

Baaqa degdega ah ee GMDQS

GMDQS waxa uu ka codsanayaa dhammaan muwaadiniinta xaqa u leh ee ku nool guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Wadajir, in ay u hoggaansamaan baaqa ah: “Muwaadin, Is diiwaan-geli iska diwaan-geli degmadaada, si aad u gudato xaqa dastuuriga ah ee aad u leedahay in aad wax dooratid laguna doorto.” Ka-qaybgalkaagu maaha kaliya xaq; waa mas’uuliyad ku saaran.

Ballanqaadka GMDQS ee mustaqbalka:

GMDQS waxa uu aad ugu mahadcelinaysaa shacabka Wadajir sida ku dayashada mudan ee ay u muujiyeen waajibaadkooda muwaadinnimo. Waxaan ku kalsoonahay in xamaasaddoodu ay dhiirigelin doonto degmooyinka kale inay ku daydaan. Guusha laga gaaray isdiiwaan gelinta codbixiyeyaashu waa dadaal la wada leeyahay, GMDQS waxaa ka go’an in uu ka barbar shaqeyso shacabka Soomaaliyeed si loo dhiso qaran xooggan oo dimuqraadi ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan muwaadiniinta inay la socdaan, si wanaagsan uga qaybqaataan, oo ay u qaabeeyaan mustaqbalka Soomaaliya. GMDQS waxaa halkan uu u joogaa in uu ku adeego oo uu hubiyo in codkaaga la maqlo.



 

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

Muqdisho, 19 Oktoobar 2025– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay LIISKA KMG...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Muqdisho, 15 Luulyo 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta xaruntiisa Muqdisho ku soo...
Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Jowhar, Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Soomaaliya – Luulyo 13, 2025 – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si...

Baraha Bulshada GMDQS

Video

Tags: