Dhuusamareeb, Galmudug – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ee Soomaaliya ayaa si guul leh ku soo gabagabeeyay madal wadatashi dadweyne oo muhiim ah oo ka dhacday Dhuusamareeb, caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, Axaddii, Luulyo 5, 2025. Munaasabaddan si wanaagsan loo soo xaadiray ayaa daarneed aqoon isweeydaaris ku saabsan waxbaridda codbixiyaha, madashaan oo diiradda lagu saarayay muhiimadda ay leedahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taasoo saldhig u ah dariiqa loo marayo Soomaaliya dimuqraaddi ah.
Madashan ayaa kulmisay qaybaha kala duwan ee bulshada Dhuusamareeb ee danaynaya inay faham wanaagsan ka qaataan hanaanka doorashooyinka Dalka. Intii lagu guda jiray kulankais-dhexgalka, Xubnaha iyo howlwadeennada Guddiga ee ku sugan Dhuusamareeb, ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalo badan oo ay soo jeediyeen dadka deegaanka. Su’aalaha ayaa inta badan ku saabsanaa hab-raacyada, muhiimadda, iyo helitaanka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, kaasoo dhawaan ka bilowday magaalada oo dhan.
Commissioner Cabdullaahi Salaad Yaroow ayaa faahfaahin ka bixiyay habraacyada, taasoo mesha ka saartay fikradaha khaldan, sidoo kalane u iftiimisay saamaynta tooska ah ee diiwaangelinta codbiyeyaasha ee shakhsi ahaaneed ku leedahay mustaqbalka maamulka Galmudug iyo dalka oo dhan. Wuxuu Guddiga xooga saarayaa in diiwaan codbixiye oo sax ahi uu yahay saldhigga doorashooyinka xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo, iyada oo la hubinayo in muwaadin kasta oo uu fursad u helo inuu isticmaalo xuquuqdiisa dimoqraadiyadeed.”Joogitaankayaga halkan Dhuusamareeb waa caddayn muujinaysa sida aan uga go’an tahay inaan si toos ah ula shaqayno shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Commissioner Cabdullaahi Salaad Yaroow.
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Dhuusamareeb waa qayb ka mid ah barnaamij ballaaran oo heer qaran ah oo GMDQS ku diyaarinayo doorashooyinka soo socda, iyada oo ujeedadu tahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ku kala nool dhammaan dowlad goboleedyada Dalka SSC Khaatumo iyo Gobolka Banaadir. Guddiga wuxuu si firfircoon uga shaqaynayaa sidii loo hubin lahaa in habka diiwaangelintu uu noqdo mid hufan, ammaan ah, oo ay heli karaan dhammaan muwaadinada, oo ay ku jiraan kooxaha la hayb sooco.
GMDQS waxuu u mahadcelinayaa bulshada Dhuusamareeb ka qaybgalkooda xamaasadda leh iyo su’aalahooda wax ku oolka ah, kuwaasoo si weyn uga qayb qaadanaya dadaallada joogtada ah ee Guddiga ee ku aaddan dhiirrigelinta shacabka oo si buuxda ula socda una firfircoon. Barnaamijyo la mid ah oo dadweynaha lagu gaarsiinayo ayaa loo qorsheeyay gobollada kale iyada oo ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.



