Sat – Thurs: 8:00am – 4:00pm

Call us: 558

Language Flag Loading… ▼
Cayimidda Taariikhda qabashada Doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Oct 15, 2026

Muqdisho, 15 Oktoobar 2026 — Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC), isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga ah, isla markaana fulinaya qodobka 56-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo qodobka 18-aad (faqraddiisa 2-aad) ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, wuxuu si rasmi ah u shaaciyay jadwalka iyo taariikhaha muhiimka ah ee qabashada doorashooyinka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Guddigu wuxuu xaqiijiyay in doorashooyinka qaran loo qaban doono sida soo socota:

  • Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS: Waxaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027, iyadoo la raacayo qodobka 18-aad (faqraddiisa 2-aad) ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhigaya in taariikhda la cayimo 180 maalmood ka hor maalinta codbixinta.

  • Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: Waxay dhici doontaa 15-ka May 2027, iyadoo la waafajinayo qodobka 112-aad ee Dastuurka dalka oo qeexaya in muddada xil-haynta Madaxweynuhu tahay shan (5) sano laga bilaabo maalinta xilka loo dhaariyo

Cayimidda Taariikhda qabashada Doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Cayimidda Taariikhda qabashada Doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, 15 Oktoobar 2026 — Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC), isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga ah,...
WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

Muqdisho, 19 Oktoobar 2025– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay LIISKA KMG...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Muqdisho, 15 Luulyo 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta xaruntiisa Muqdisho ku soo...

Baraha Bulshada GMDQS

Video

Tags: